Somali News

Akhriso:-Maxaa Looga Hadlay Kulanka Maanta Ee Aqalka Sare?

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 11aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.

Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa:

1.Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Wax-ka-badalka Xeerka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka.

  1. Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Furdooyinka.

Hindise-Sharciyeedkaan oo ay soo diyaarisay Waasarada Maaliyadda ayaa waxaa ay akhrinta 1aad marsiiyay Wasiirka Waasarada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-Sharciyedyadaan, Guddiga Dhaqaalaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.

Related posts

Daawo: Wafdi heer sare ah oo ka socda Dalka Turkiga oo Gaaray Magaalada Kismaayo

admin

SAWIRRO:- Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo la kulmay Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka.

Ahmed sudani

Top News: Dowladda Soomaaliyeed iyo weliba Al-shabaab oo loogu wadda baaqey in ay ku biiran DAACISH.

admin