Animation

Akhriso: Magacyada Xildhibaanada Maanta kusoo baxay Doorashada Aqalka Hoose ee Magaalada Cadaado

one response
Tuesday November 29, 2016 - 6:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa waxa ay si Habsami leh uga socotaa Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG maamulka Galmudug.

Ergada dooraneysa Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa Maanta waxa ay doorteen Ilaa seddex Xildhibaan.

Xildhibaanada Maanta la doortay ayaa ku biiraya xildhibaanadii horay loo doortay waxaana Doorashooyinka Galmudug ay ku dhawyihiin Heer gabo gabo ah.

Halkaan Hoose ka Aqriso Xildhibaanada Cusub ee Maanta Cadaado lagu doortay.

Kursiga koowaad oo ay ku tartameyeen Haween ayaa waxaa ku soo baxday Maryan Maxamed Xuseen oo heshay 48 cod, kadib markii ay ka guuleysatay Ikraan Cabdi Nuur C/laahi oo heshay 3 cod.

Sidoo kale kursigii Labaad oo ay ku tartamayeen Haween ayaa waxaa ku soo baxday Maryan Xaaji Cabdi Geedi oo heshay 48 cod, kadib markii ay ka guuleysatay Yaasmiin Maxamed Cabdi oo heshay 2 cod.

kursigii Saddexaad oo Doorashadiisa ay soo gaartay maqribnimadan ayaa waxaa ku tartamay Zakariye Xasan Cali iyo Mursal C/raxmaan Axmed, waxaana ku guuleystay kursiga Baarlamaanka Zakariye Xasan Cali oo helay 31, halka Mursal C/raxmaan Axmed uu helay 19 cod.