Animation

Akhriso: Magacyada Xildhibaanada Maanta kusoo Baxay Doorashada Aqalka Hoose ee K/galbeed

no responses
Wednesday November 30, 2016 - 7:28 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Baydhabo sida caadada ah waxaa Maanta ka dhacay Doorashooyinka Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya.

Ergooyinka waxaa maanta ay u codeeyeen ilaa Seddex kursi oo Aqalka Hoose  ah.

Kursigii ugu horeeyay oo ay ku tartameen Xasan Ibraahim Maxamed iyo Maryan Ibraahim Maxamed oo walaalo ah ayaa waxaa ku soo baxay Xasan Ibraahim Maxamed oo  helay 51 cod.

Sidoo kale Ergooyinka ayaa guda galay in ay u codeeyaan Kursiga Labaad ee Aqalka Hoose waxaana ku tartamaayay Musharixiinta kala ah Maxamed Isaaq Cusmaan Fanax iyo C/rashiid Xaaji Xasan .

Doorasho dhexmartay Labadan musharax ayaa waxaa kusoo baxay Kursiga labaad Maxamed Isaaq Cusmaan oo helay 35 cod, halka C/rashiid uu helay 15 cod.

Kursiga Seddexaad oo ahaa kii ugu Dambeynta ee Doorashada Maanta waxaa ku tartamay ilaa 7 Musharax waana kursigii ugu musharixiinta badnaay waxana doorasho waqti badan qaadatay kadib kusoo baxay C/fitaax Geeseey oo helay 38 Cod.

Guud ahaan Tirada Xildhibaanada ilaa iyo Hada la doortay waxa ay gaareysaa 65 Xildhibaan waxaana doorashada ka harsan kaliya 4 xildhibaan sidaasi waxaa K/galbeed ay kusoo dhameystireysa 69 Xildhibaan oo Baarlamaanka soomaliya ay ku leedahay.