Animation

Akhriso: Magacyada Xildhibaanada Maanta kusoo baxay Doorashada Aqalka Hoose ee Jowhar ka socota

no responses
Sunday November 27, 2016 - 1:20 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa waxa ay si Habsami leh uga socotaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe waxaana Manata doorashada kusoo baxay ilaa Seddex Xildhibaan .

Musharixiin qaarkood ayaa laga guuleestay oo ay ku jiraan Xildhibaano horay uga mid ahaa Baarlamaankii Hore ee Federaalka.

Hadaba halkaan hoose ka Aqriso Xildhibaanada Maanta la doortay.

C/risaaq Axmed Maxamed (C/risaaq Dheere) oo helay 28 cod

Maryan Axmed Haaruun oo Heshay 38 cod

Maxamuud C/llaahi Axmed oo helay 38 cod.

Sidaasi waxaa kusoo baxay Seddex Xildhibaan oo ka mid Noqonaya Xildhibaanada Baarlamanka soomaliya.

Haddaba wadarta guud ee illaa hadda la soo doortay ayaa noqoneysa 24 xildhibaan iyadoo ay dhiman tahay 13 xubnood oo lagu wado in la soo doorto maalmaha soo socota.