Akhriso: Magacyada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Maanta kusoo baxay Doorashadii Kismaayo ka dhacday+Sawirro

one response
Wednesday November 23, 2016 - 2:15 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu qabtay laba kursi oo ka mid ah saddexdii Kursi ee ugu dambeysay tartanka doorashada Xubnaha Dowlad-goboleedka Jubbaland u matalayo Aqalka Hoose ee Barlamaanka cusub Dowladda Federalka Soomaaliya.

Doorashadii maanta dhacday ayaa waxaa kusoo baxay Musharraxiinta kala ah: Sagaal Cabdirisaaq Isaaq, iyo Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir, hase ahaatee waxaa dib loo dhigay ilaa berri Kursigii ugu dambeeyey ee 43-aad.

  1. Sagal Abdirazak Isack…………………..27 Cod
  2. Abdullahi Mohamed Aden…………….50 Cod

Jubbaland ayaa noqoneysa Dowlad-goboleedkii ugu horreysay ee soo afjarta Doorashooyinka Aqalka Hoose, Haddii ay berry soo dhameystirto 43-kii Mudane ee uga mid noqon lahaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, afarta sano ee soo socota.

gaaljecel xildhibaan-sagal

Facebook Comments

One thought on “Akhriso: Magacyada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Maanta kusoo baxay Doorashadii Kismaayo ka dhacday+Sawirro

Comments are closed.