Animation

Akhriso: Magacyada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Galmudug oo Maanta ku Guuleestay Doorashada ka dhacday Cadaado

no responses
Tuesday November 22, 2016 - 5:17 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Cadaado Maanta waxaa ka dhacday Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose oo Maalmihii ugu Dambeeyay Hakad ku jirtay.

Ergada ayaa Maanta u codeysay Ilaa Seddex Kursi oo Aqalka Hoose ah waxaana kusoo baxay Seddex Xildhibaan oo Kuraasta Beelaha ay ka dhasheen ku guuleestay.

Xubnaha maanta la doortay ayaa waxa ay kala yihiin Xildhibaan C/wali Maxamed Qanyare, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Galmudug Warsame Maxamed Xasan (Joodax) iyo C/kariin Khaliif Cabdi (Dhalac).

Maalinta Beri oo Arbaco ah ayaa la Filaya in Doorashada ay Halkeeda ka socoto waxaana la dooran doona Hadii alle ka Raali Noqdo Xildhibaano Cusub.