Animation

Akhriso: Magacyada seddex sargaal oo ka tirsan Miino baarista NISA oo ku dhimatay qaraxii wadajir ka dhacay+Sawirro

no responses
Wednesday May 17, 2017 - 1:23 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xarakada alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii saakay ka dhacay dagmada wadajir ee gobolka banaadir.

War lagu qoray baraha shabaabka wararka u baahiya ayaa waxa lagu sheegay in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay la dhigay mid kamid ah xaafaddaha dagmada wadajir kadibna si ku tala gal ah loogu wargaliyay laamaha ammaanka in gaari qarax ku xiranyahay uu yaalo dagmada wadajir.

Gaariga waxaa lagu soo xiray qarax xoogan waxaana shabaabka ay sheegeen in si xirfadeysan gaariga loogu xiray qaraxa markii ciidanka miino baarista dowladda federaalka ay goobta uu yaalo gaariga ay soo gaareen ayaa waxa ay bilaabeen in gaariga ay ka baaraan qaraxa waxaana u suurta gali weyday sida shabaabku sheegeen in kooxda miino baarista NISA ay gaariga ka soo saaraan qaraxa meesha uu kaga jiro waxaana markaa kadib loo yeeray saraakiil cadaan ah oo ka soo baxay xerada amisom ee xalane .

Saraakiisha Caddaanka ah oo ay la socdaan kuwa Soomaali ah ayaa gudaha ugalay gaariga oo walxaha qarxa si xirfaydaysan loogu xiray kadibna waxaa qabsaday qarax aad u xooggan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha Muqdisho iyo duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa waxaa ka dhashay qasaaro kala duwan waxaana ilaa iyo hada la xaqiijiyay geerida sargaalkii hogaaminaayay kooxda miino baarista NISA waxaana sargaalka dhintay lagu magacaabi jiray Cqaadir cusmaan dhuuboow iyo laba sargaal magacyadooda lagu soo koobay ganeey iyo carab oo iyagana ahaay qabiiro dhanka miino baarista ah oo hey’adda NISA ka tirsan.

Qaraxa waxaa sidoo kale dhaawacyo ay ka soo gaareen ciidamada miino baarista NISA lamana oga qasaaraha dhaawaca inta uu gaadhiisanyahay.

Alshabaab ma aysan soo bandhigin tirada qaraxa ay ku dileen iyo saraakiisha cadaanka ah oo ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen.