Animation

Akhriso: Magacyada Seddex Ruux oo Alshabaab ay ku toogatay Fagaaro ku yaala Deegaan ka tirsan Gobolka Baay

no responses
Thursday January 26, 2017 - 8:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka Imaanaya Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayan in Alshabaab ay Fagaaro ku yaala Deegaanka Yaaq-Baraawe ay ku toogteen Ilaa seddex Ruux oo lagu eedeyay in ay Jaasuus u ahaayeen Sirdoonka Dowlada Mareykanka iyo Dowlada Federaalka.

Maxkamadda Shabaab Ragaan waxa ay ku eedeysay in ay yihiin Jawaasiis la shaqeeya Dowlada Mareykanka sidaasi darteedna waxa ay Maxkamaddu sheegtay in Dil lagu xukumay Shalay ayaana dilkaasi lagu fuliyay Fagaaro ku yaala deegaanka Yaaq baraawe ee Gobolka Baay.

Raga dilka lagu fuliyay ayaa waxaa shabaabku ku eedeeyen in ay la shaqeynayeen Sirdoonada Dowladaha Mareykanka, kenya iyo Dowlada Federaalka.

Sedaxda Eedaysane ee lagu dilay Yaaq Baraawe iyo dambiyada lagu eedeeyay waxa ay kala yihiin:

1- C/llaahi daamey Maxamed Nuur oo 36 sana jir waxaa lagu eedeyay in uu la shaqeynayay CIA-da Mareykanka waxaana la sheegay in ay shaqa geliyeen saraakiil ku sugan garoonka diyaaradaha Balli-doogle ee duleedka degmada wallaweyn Sh/Hoose.

Qalabka lagu hago diyaaradaha Drone-ka loo yaqaan ee aan duuliyaha laheyn ayuu C/llaahi kasoo qaaday saraakiisha Mareykanka wuxuu doonayay in uu ku dhajiyo gaari uu lahaa sarkaal katirsan Al Shabaab balse qorshahaasi waa la fashiliay gacanta ayaana lagu dhigay isaga iyo qalabkii Mareykanku usoo dhiibay, bil walba wuxuu qaadanayay lacag dhan $200 mudada uu shaqeynayay waxay aheyd 2 bilood sida Maxkamaddu sheegtay.

2-Max’med iimaan xasan oo 42 sana jir ah ayaa isna lagu eedeeyay in uu la shaqeynaayay Sirdoonka Maamulka Jubbaland waxaana shabaabku ay Ninkaan ku eedeeyeen in uu Kenya kala shaqeynaayay Sahminta Wadooyinka Mara Duleedka Magaalada Kismaayo waxaana Maxkamaduu sheegtay in Ninkaan uu ku shaqeyn jiray 150$ Bil kasta.

Ninka 3-aad waxaa lagu Magacaaba Maxamed shariif Cali 21 sana jir ah waxaa lagu soo eedeyay in uu ahaa Nin la shaqeeya Sirdoonada Caalamiga ah ee ku sugan Magaalada Kismaayo waxaana shaqadiisa lagu sheegay in uu soo gudbin jiray Dhaq dhaqaaqyada Alshabaab iyo weerarada ay ku qaadayan Magaalada Kismaayo  iyo Saldhigyada Ciidamada Kenya.

Sidoo kale wuxuu u ahaa wadda yaqaan gacan ka geysan jiray in ciidanka huwanta ah uu mariyo waddooyinka aysan ku sugnayn ciidamada Al Shabaab wuxuuna sheegay in isku gayn lacag mushaar ah u qaatay $500.