Animation

Akhriso: Magacyada Saraakiisha iyo Masuuliyiinta ku geeriyootay Dagaalkii Shalay ka dhacay Dagmada Afgooye

no responses
Wednesday October 19, 2016 - 12:27 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa Faah faahin dheeraad ah ay kasoo baxayan Dagaalkii Alshabaab ay shalay kusoo qaadeen Dagmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Dagaalka oo Mudo Saacado ah ka socday Gudaha Dagmada Afgooye ayaa waxaa shabaabka u suurta gashay in qeybo kamid ah Dagmada ay Gacanta ku dhigaan Sida Xatunta Maamulka Dagmada Saldhiga Ciidanka iyo Xarumo kale oo Maamulka Koonfur Galbeed ay ku howlgalayeen.

Qasaaraha kala duwan ayaa Dagaalka ka dhashay waxaana Weerarkaasi ku dhintay saraakiil iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Alshabaab ayaa sheegtay in Dagaalka ay ku dishay Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin waxayna soo Bandhigen Magacyada Saraakiil Ciidamada Dowlada ka tirsan oo Dagaalka ay ku dileen.

Halkaan Hoose ka Aqri Saraakiisha iyo Masuuliyiinta ku dhimatay Dagaalka:

1- Maxamuud Daahir Qooley Isku Duwihii Wazaaradda Maaliyada Maamulka Koonfur Galbeed.

2-Taliyihii Ciidamada Asluubta ee degmada Afgooye Labo Xiddigle C/qadiir Maskiinoow.

3- Korneel Axmed Cabdulle Gorod Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Birmadka 

4- -Cabdi Xasan Boqol Taliyihii Waaxda Hilwaa Ee Degmada Afgooye.

5- Sargaal lagu Magacaabao Daahir Indho Buur 

6- Cali Cabdi Yuusuf Kardhi iyo Cabdi Fitaax Axmed oo Kamid ah Saraakiisha Ciidanka Dowlada.

Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose waxa ay Xaqiijiyeen Geerida Saraakiisha iyo masuuliyiinta ka tirsan Dowlada Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.