Animation

Akhriso: Magacyada iyo qabiilada ay kasoo jeedaan 12 ruux oo xilal kala duwan looga magacaabay dekedda muqdisho

no responses
Sunday May 14, 2017 - 12:17 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasaaradda Maaliyadda ee uu hoggaamiye Cabdiraxmaan Beyle ayaa isbadal ku sameystay 12 xilal oo ka tirsan xafiiska furdooyinka Dekadda  Muqdisho (Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ee Dakadda Muqdisho), waxaana xilalkaas laga qaaday 12 shaqsi oo horey u hayey.

12 shaqdi ee xilalka loo kala magacaabay ayaa waxay kasoo kala jeedaan beelaha: Abgaal, Gaaljece, Raxanweyne, Murusade, Xawaadle  iyo Harti, iyadoo laga waayey Beesha Habargidir oo markii hore heysay qaar ka tirsan 12 xil ee la badalay.

Beesha Murusade ayaa seddex xil ku yeelatay 12-xil ee lasoo magacaabay midaas oo noqoneyso wax badsi ay wadan beesha uu kasoo jeedo Ra’isulwasaare Kheyre, sidoo kale Beesha Xawaadle ayaa la siiyey laba xil.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso 12 xil ee magacaabay, magacyada shaqsiyaadka loo magacaabay iyo qabiilada ay kasoo kala jeedaan: