Animation

Akhriso: Magacyada iyo Beelaha ay kasoo jeedaan Xubnaha Aqalka Sare ee lagu doortay Magaalada Cadaado

no responses
Sunday October 16, 2016 - 10:40 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xildhibaanada Maamulka Galmudug ayaa Shalay si Rasmi ah u guda galay doorashada Xubnaha Aqalka Sare Galmudug u matalaya Dowlada Soomaliya.

Shalay waxaa la doortay ilaa 5 kursi oo Aqalka sare Matalaya Waxaana sidoo kale Maanta dib u Bilowday Doorashada Xildhibaanada Galmudug waxay dooranaayen Kuraastii shalay haray ee Aqalka Sare.

Hadaba k24 waxa ay idin soo Gudbineysa si hordhac ah Magacyada iyo beelaha ay kasoo jeedaan Xubnaha Aqalka sare ee galmuudg u matalaya Dowlada Soomaliya.

Halkaan Hoose ka Aqriso Liiska Magacyada iyo Beelaha ay kasoo jeedaan Xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug:

1- Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) Kursiga Beesha reer Xaaji Saleebaan H/gidir

2- Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid — Beesha Sacad H/gidir

3- Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) — Murusade

4- C/waaxid Cilmi Goonjeex — Beesha Mareexaan.

5- Jawaahir Axmed Cilmi — Beesha Cayr H/gidir

6- Zamzam Dahir Maxamuud — Beesha C/raxmaan Saleebaan Waceysle

7-Yuusuf Geelle Ugaas — Beesha Duduble

8- Abuukar Axmed Xaashi — Beesha Dir.