Animation

Akhriso: Magacyada iyo Beelaha ay kasoo Jeedaan Musharrixiinta u taagan Kursiga Aqalka Hoose ee Hirshabeele

no responses
Wednesday November 16, 2016 - 10:21 under Somali News by Tifaftiraha K24

Waxaa goor dhow ka bilaabatay magaalada Jowhar doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee deegaanada Hirshabeelle, iyadoo Musharaxiin dhowr ah ay u tartamayeen, kuwaasoo xilal ka haya dowladda iyo Xildhibaano hore.

Guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed ayaa gelinka hore ee maanta diyaariyay doorashada shan kursi, iyadoo isku waqti ay dhaceyso.

Kuraasta lagu tartamayay ee qabiilada ayaa waxaa ergoooyinkooda la geeyay hoolal loo diyaariyay in Musharaxiinta tartameysa ay ku doorteen.

Saddex ka mid ah kuraasta maanta la dooranayo waa Beesha Xawaadle, waxaana ugu adag Kursiga ay ku tartamayaan Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Hadaba Kursaasta Qabiilada ee loo tartamayo Xildhibaanada Aqalka Hoose waxay kala yihiin sidan:-

Kursiga 1aad – Beesha Yaxar

1- Khadiijo Maxamed Diiriye

2- C/llaahi Maxamuud Xayle

Kursiga 2aad Xawaadle Cali Madaxweyne-

1-Dahabo Xasan Axmed

2- C/fataax Xasan Afrax

3- C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe

4- Xasan Cali Cabdi

5- C/raxmaan Jimcaale Cusmaan

Kursiga 3aad reer Ow-Xasan

1- Faarax Sheekh C/qaadir

2- Cusmaan Axmed Maxamed

3- Ilyaas Maxamed C/kariin

Kursiga 4aad Xawaadle-Cabdale

1- Maxamed Xasan Ibraahim Qoono

2- Bishaar Xasan Xirsi

3- C/casiis Xasan Camalow

Kursiga 5aad Xawaadle Ibraahim Ciise

1- C/risaaq Cumar Maxamed

2- Cabdi Yuusuf Guurre

Xigasho Jowhar.com