Somali News

Akhriso: Magacyada iyo Beelaha ay ka soo jeedaan Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Soomaliland oo Maanta lagu doortay Muqdisho (Sawirro)

Magaaalada Muqdisho waxaa Maanta Markale dib uga bilaabatay Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Gobolada Wuqooyi uga mid noqonaya Baarlamaanka soomaliya.

Qorshaha doorashada Maanta waxa ay aheyd in lagu doorto ilaa afar kursi oo kamid ah Kuraasta Aqalka hoose ee Soomaliland.

Ergada ayaana guda galay in u codeeyaan dhowr musharax oo u tartameysa kuraasta Aqalka Hoose ee Beelaha kasoo jeeda Gobolada Wuqooyi.

Doorasho adag kadib waxaa soo baxay afar xildhibaan oo ku guuleestay Codadkii ay dhiibteen ergooyinka doorashada .

Halkaan Hoose ka Aqriso Magacyada Xildhibaanada la doortay iyo Beelah ay ka soo jeedaan:

1- Sahra Yuusuf Cige 38 Cod— Kursiga Beesha Sacad Muuse, Jilibka Cabdalla Obokor

2- Faadumo Odawaa Raage 47 Cod —  Kursiga Beesha Ciise Muuse, gaar ahana jilibka Aadan Ciise

3- C/raxmaan Iidaan Yoonis 36 Cod — Kursiga Beesha Sacad Muuse, gaar ahaan jilibka Makaahiil

4- Cabdalla Xaaji Cali 31 Cod — Kursiga Beesha Ciise Muuse, gaar ahaan Jilibka Maxamed Ciise.

Guud ahaa Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Gobolada Wuqooyi oo ilaa iyo Hada la doortay waa 33 Xildhibaan waxaana harsan 13 Kursi oo Aqalka Hoose .

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Doorashada Maanta 

somaliland1-768x576 somaliland3-768x576 somaliland4-768x576 somaliland5-768x576 somaliland6-768x576 somaliland7-768x576 somaliland8-768x576 somaliland9-768x576 somaliland-768x576

 

Related posts

Sawirro: R/W Ku-xigeenka dalka oo shir gudoomiyay Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha iyo Beesha caalamka

admin

Shariif Xasan oo xilka u hayo waynaya Maalmo ka dib…

admin

Xarakada Alshabaab oo weerar dhimasho sababay ku qaaddey degmada Afgooye

admin