Animation

Akhriso: Magacyada iyo Beelaha ay ka soo Jeedaan Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Hirshabeele oo Maanta la doortay

one response
Wednesday November 16, 2016 - 1:37 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Jowhar waxaa weli ka socda Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee maamulka Hirshabeele waxaana Ergada ay Maanta doorteen ilaa 5 Xildhibaan oo ka mid Noqonaya Baarlamaanka Soomaliya.

13 Kursi oo aqalka Hoose ah ayaa loogu tala galay in Wejiga Koowaad lagu doortay waxaana Ergada ay Hada doorteen 5 Kursi Iyadoona ay harsantahay 8 Kursi.

Halkaan Hoose ka Aqriso Magacyada Xildhibaanada Aqalka Hoose Hirshabeele iyo Beelaha ay ka soo Jeedaan:

1- Khadiijo Maxamed Diiriye — Beesha Yaxar

2-  Maxamed Xasan Ibraahim Qoono— Beesha Xawaadle-Cabdalle

3- Faarax Sheekh C/qaadir—- beesha Reer Ow-Xasan

4- C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe— Beesha Xawaadle Cali Madaxweyne

5- C/risaaq Cumar Maxamed— Beesha Xawaadle -Ibraahim Ciise

Ergada ayaa weli u Codeynaya 8 Kursi ee ka Harsan Wejiga koowaad ee Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Hirshabeele.