Animation

Akhriso: Magacyada iyo Beelaha ay ka soo jeedaan Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha

no responses
Sunday January 29, 2017 - 3:37 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta soo gabo gabeeyay diiwaan galinta Musharaxiinta u tartamaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana xilkan isku soo sharaxay 18-Musharax oo u badan kuwa kasoo jeeda hal beel.

Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ku jira Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore Dowlada KMG Sheekh Shariif, Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo sidoo kale R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha ayaa u badan kuwa kasoo jeeda Beesha Abgaal, oo iyadu nasiib u heshay in ay Madaxweyne ka noqdaan labadii Dowladood ee ugu dambeeyay, waxaana mar kale la sadaalinayaa in Musharax kasoo jeeda Beeshaasi uu mar kale Madaxweyne noqdo.

Waxaa kaalinta labaad kaga jira Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Musharaxiin kasoo jeeda Beelaha Majeerteen iyo Habar Gidir, waxa ayna musharaxiintan doonayaan in markan iyagu xilka qabtaan kana soo wareegto kursigaasi Beesha Hawiye gaar ahaan Abgaal.

Halkan ka Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Musharaxiinta Madaxweyne

Musharxiinta Beesha Abgaal

1-Xasan Sheekh Maxamuud
2-Shariif Sheekh Axmed
3-C/qaadir Cali Cosoble
4-Jibriil Ibraahim Cabdulle
5-Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
6-Bashiir Raage Shiiraar
7-C/laahi Cali Gees (Cadow)

Musharxiinta Beesha Majeerteen

1-Cumar C/rashiid Cali
2-Cali Xaaji Warsame
3-Saciid C/laahi Dani
4-C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole)

Musharaxiinta Beesha Habar Gidir

1-C/raxmaan C/shakuur Warsame
2-C/naasir Maxamed Cabdulle
3-Maxamed Maxamuud Culusow
4-Saciid Ciise Maxamuud

Beesha Mareexaan

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)

Beesha Ogaadeen

C/laahi Ciilmooge Xersi

Beesha Ujeejen Mudulood


Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)