Animation

Akhriso: Madaxweyne farmaajo oo Seddex shuruud oo aan caadi aheyn hordhigay shaqsiyaadka doonaya xilka ra’isul wasaaraha

no responses
Monday February 13, 2017 - 2:39 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Madaxweynaha soomaliya mudane maxamad c/llahi farmaajo oo aan weli xilka la wareegin ayaa kulamo goon gooni ah waxa uu la qaadanaya beelaha soomaliyeed kaasi oo ku aadan cida uu ra’isul wasaare u magacaabi doono.

Madaxweynaha ayaa sharuudo adag ku xiray shaqsiga uu ra’isul wasaarahiisa ka dhigan doono iyadoona madaxweynaha uu 30-ka maalmood ee ugu horeysa uu kusoo magacaabi doono ra’isul wasaaraha xukuumada soomaliya.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu aad uga fiirsanaayo shaqsiga ku haboon in uu noqdo ra’isul wasaaraha xukuumadda soomaliya waxaana socda wadatashiyo badan sida laga soo xigtay xafiiska madaxweyne farmaajo.

Ilaa seddex qodob ayaa la sheegay in madaxweynaha uu ku qiimeyn doono shaqsiga uu ra’isul wasaaraha u magacaabi doono waxaana sharuudahaasi ka mid ah;

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

1- Shaqsi leh aqoon heer sare ah

2- Shaqsi leh karti iyo awood hogaamineed

3- Qof ay wadashaqeyn karaan mudadda uu xilka hayo ee 4-ta sano ah

Madaxweyne farmaajo ayaa dhowr mar ka dhawaajiyay in dowladdiisa ay ku shaqeyn doonto mudada 4-ta sano hal ra’isul wasaare oo uusan noqon doonin madaxweyne markasta la dagaala ra’isul wasaarahiisa sida kol horayba dhici jirtay.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.