Animation

Akhriso: Madaxweyne axmad madoobe oo ka hadlay geerida ku timid wasiir Maxamed Yuusuf Awlibaax

no responses
Friday June 23, 2017 - 8:59 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

TACSI

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Jubbaland uga tacsiyeynayaa geeridii naxdinta laheyd ee kutimid wasiirkii Isboortiga iyo dhalinyarada Marxuum Maxamed Yuusuf Awlibaax oo caawa ugu geeriyoodey magaalada Muqdisho dhaawac kasoo gaarey Qarixii ismaadiinta ahaa ee maanta kadhacey saldhiga waaberi ee magaalada Muqdisho.

“Marxuum maxamed Yuusuf Awlibaax wuxuu ahaa shakhsi dadaal dheer u soo galey waqtina kubixiyey dib u heshiisiintii iyo dhisitaankii Jubbaland haddana ahaa shakhsi kasoo dhalaaley shaqadii uu u hayey shacabka reer Jubbaland “

Sidookale madaxweynuhu wuxuu ka tacsiyeynayaa shacabkii iyo ciidankii soomaaliyeed ee arxan-laawayaashu ay xasuuqeen ayagoo sooman.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ilaahey uga baryayaa wasiirka iyo dhamaan dadkii soomaaliyeed ee halkaas ku nafwaayeyba inuu jannadii kawaraabiyo ehel iyo asxaabna samir iyo iimaan allaha kasiiyo.

Amiin Amiin