Animation

Akhriso: Madaxweynaha jamhuuriyada soomaliya oo goordhaw soo saaray war kooban muxuuse kaga hadlay+Sawirro

no responses
Thursday February 9, 2017 - 9:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha jamhuuriyadda soomaliya maxamad c/llahi farmaajo ayaa ka hadlay doorashadii uu shalay ku guuleestay iyo sida ay xildhibaanada baarlamaanka ay codkooda kalsoonida u siiyeen madaxweynaha.

Madaxweyne farmaajo oo bartiisa facebooka soo dhigan qoraal kooban ayaa waxa uu hambalyo u diray shacabka soomaliyeed ee xildhibaanada baarlamaanka soomaliya.

Halkaan ka aqriso qoraalka uu soo dhigay madaxweyne farmaajo.

Asalaamu Calaykum Walaalayaal

Ilaahay baa mahad iska leh, waxaan u mahadcelinayaa dhammaan Xildhibaanada sharafta leh ee labada Aqal sida ay ii siiyeen kalsoonidooda iiguna aamineen Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynihii hore ee JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud dedaalkii iyo waxqabadkii uu kusoo bixiyey Qarankeenna intii uu madaxweynaha ahaa iyo sida wanaagsan ee uu u aqbalay natiijada doorashada.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dhammaan intii ka qeybqaadatay Ololihii aan ugu tartamayey Xilka Madaxweynaha.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee taageerada ila garabtaagnaa intii aan ololaha ku jiray iyo Shacabka xalay ilaa saaka dabbaaldegga sameynayey ee iskugu soo baxay waddooyinka dalka, waa mahadsantihiin walaalayaal.

Waxaa Guulaystay Shacabka Soomaaliyeed, Soomaaliya Soomaali baa leh, waxaanna ka shaqeyn doonaa Danta dalka iyo dadka, haddii uu ilaahay yiraahdo.

Nabad iyo Nolol