Akhriso: Madaxda Maamul Goboleedyada oo Xiriirkii Wada shaqeyn u jaray Dowladda Federaalka

0

Madaxda Maamul goboleedyada oo maalmahaan ku shirsanaa magaalada kismaayo ayaa shirkooda waxa ay ka soo saareen war murtiyadeed dhowr qodob ka kooban.

War murtiyeed Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ka soo saareen ayay ug hadleen dhinacyada amniga, siyaasadda, arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka.

Golaha ayaa hakiyay Wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda dhexe ee federaalka iyagoona dowladda ku eedeeyay faragalin ay ku heyso maamul goboleedyada.

Sido kale Madaxda maamul goboleedyada ayaa ku balamay in bisha October shir aan caadi aheyn ay isugu imaan doonan magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Halkaan Hoose ka Akhriso War murtiyeedka