Breaking News Somali News

AKHRISO: Maanta maxaa ka jira jowhar.

Waxaa aad loo adkeeyay Amaanka Magaalada Jowhar oo ah caasimada Dolwad Goboleedka Hirshabeele,maadama manta oo isniin ah laguwado in ay ka dacdo Xafladda caleema saarka madaxweynaha Maamulka Hirshabeele maxamed cabdi waare .

Wadooyinka waaweyn ee magaalada jowhar Waxaa lagu  arkayaa ciidama dowladda iyo kuwa amisom iyaga oo gawaarida dadweynaha kubaaraya barkoontarolada kuyaala magaalada jowhar

Ciidamo gaar ah oo ka tirsan AMISOM ayaa sidoo kale sugaya ammaanka guud ee xarunta Caleema Saarka, si uusan u dhicin falal ka baxsan amniga, inta lagu guda jiro Munaasabadda Madaxweynaha Hirshabeelle.

Wufuud kala duwan oo qeyb ka ah Wasiiro Xukuumadda ka socda oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadaa in ay maanta tagaan Jowhar, si ay uga qeyb galaan Munaasabadda.

Sidoo kale Munaasabadan waxaa lagu casuumay oo ka qeyb galaya sida uu qorshaha yahay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada iyo xubnaha Beesha Caalamka.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa 16-kii bishii September ee sanadkan waxaa lagu doortay magaalada Jowhar, kadib markii uu ka adkaaday Musharaxiintii uu la tartmayay.

Related posts

TOP: Meydka Dhaga-badan oo lagu aasayo Meel Muqdisho ka baxsan

admin

SAWIRO: Rai’sal Wasaare Xasan Kheyre oo Guriceel kula kulmay Ugaas Xasan Ugaas.

admin

Sawirro: Donald Trump oo si rasmi ah loogu dhaariyay Madaxtinimada Maraykanka iyo Obama oo huleeyey..

admin