Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

Akhriso: Maamulka Doolow Oo Dowladda Dhexe u Direy Codsi Ku Aadan……………………

Maamulka Degmada Dooloow  ee Gobolka Gedo ayaa Madaxda Dowlada iyo Hay’adaha gargaarka ugu baaqay iney gurmad deg deg ah la soo gaaraan dad beeraleey ah oo saameyn uu ku yeeshay Fatahaad uu sameeyay Wabiga.

Fatahaada ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay tuulooyin hoos taga degmada Dooloow ee gobolka Gedo.

Gudoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo  Aadan Bare Cali ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo maamulka jubbland looga baahanyahay in ay soo gargaaraan dadka ku dhibateysan degmadaas.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in dadkaasi gurmad deg deg ah lala soo gaaro.

Webiga ayaa waxyeelo balaaran u geystay dadka beeraleyda ah ku sugan tulooyinka ku dhow degmada,waxana la sheegaya in uu webigu dadkaas barakiciyey.

Related posts

Daawo sida Madaxweyne kuxigenka Jubbaland logu soo dhaweyay Balad Xaawo

admin

XOG RASMI AH: Xildhibaanadii ugu badnaa oo ka baxay Garabka Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan oo…

admin

Top News Ahlusunna oo benisay wararka sheegaya in la xiray Sh Maxamed Shakiir

admin