Animation

Akhriso: Liiska Golaha Wasiirada Cusub ee Dalka Itoobiya oo ay kasoo Dhexmuuqdeen 2Wasiir oo Soomali ah

no responses
Wednesday November 2, 2016 - 9:25 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa Wasiirada ka dib mudaaharaadyo siyaasadeed oo horseeday in dalkaasi la geliyo xaalad deg deg ah.

Mr Hailemariam ayaa magacaabay 21 wasiir oo ay ku jiraan wajiyo cusub oo hoggaamin doono wasaaradaha maaliyada iyo arrimaha dibedda.

Axmed Shide ayaa laga dhigay wasiirka gaadiidka ahlka Cabdifitaax Sheekh Cabdullaahi oo loo daayay wasaradda shaqada iyo shaqaalaha. Labaduba waxay ka soo jeedaan deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Barta ay dowladdu ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in baarlamaanka uu ansixiyay liiska cusub ee wasiirada Cusub ee Dalka Itoobiya.

Isbeddaladan waxaa loo arkaa in dowladdu ay uga gol leedahay inay wax uga qabato cabashooyinka loo soo jeedinayay tan iyo sanadkii la soo dhaafay.

Waa markii ugu horreysay oo Soomaalida Itoobiya ay golaha wasiirada federaalka ka helaan laba xubnood..

Halkaan Hoose ka Aqriso Liiska Golaha Wasiirada Dalka Itoobiya

01.  Ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen.

  1. Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Workneh Gebeyehu.
  2. Wasiirka Gaashaandhigga, Siraj Fegessa.
  3. Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Debretsion Gebremichael.
  4. Wasiirka Warshadaha, Ahmed Abitew.
  5. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaaaha, Abdulfetah Abdulah.
  6. Wasiirka Maaiiyadda, Dr. Abreham Tekeste.
  7. Wasiirka Ganacsiga, Dr. Bekele Bulado.
  8. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga, Prof. Fekadu Beyene.
  9. Wasiirka Beeraha iyo Khayraadka, Eyasu Abrha.
  10. Wasiirka Gaadiidka, Ahmed Shide.
  11. Wsiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Ristu Yirdaw.
  12. Wasiirka Dhismaha, Injneerad Aisha Mohammed
  13. Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Korontada, Dr. Sileshi Bekele.
  14. Wasiirka Shidaalka, Motuma Mekassa.
  15. Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Dr. Gemedo Dale.
  16. Wasiirka Waxbarashada, Dr. Shiferaw Tekelemariam.
  17. Wasiirka Caafimaadka, Prof. Yifru Berhane.
  18. Wasiirka Haweenka iyo Carruurta, Demitu Hambissa.
  19. Wasiirka Xafiiska Xiriirka Xukuumadda, Dr. Negeri Lencho