Somali News

Akhriso: Jadwalka dooda Musharixiinta oo la shaaciyay iyo Sida ay u kala hormari doonan yaase ugu soo horeeya???

Baarlamaanka soomaliya ayaa shaaciyay jadwalka dooda musharixiinta madaxweynaha oo maanta loo madalsanyahay in ay dhacdo.

Ilaa 23 Musharax ayaa ka qeyb gali doona dooda-furan oo si toos ah looga daawan doono Taleeefishinada soomalida.

Doodaan waxa ay baaqatay kol hore markii musharixiinta ay diideen in ay ka qeyb galaan dood aan LIVE aheyn shacabkuna aysan daawaneyn waxaana taasi ay timid ka gadaal markii khadka internetka uu ka go’ay dalal afrika ah oo soomaliya ay ku jirto.

Guddiga doorashada isaga waaba joojiyay doodaan balse baarlamaanka ayaa dib u shaaciyay in markale la qaban doono doorashada si shacabka ay u arkaan fikirka musharixiinta.

Maanta galinka hore 11 musharax ayaa dooda ka qeyb gali doonta sida jadwalka ku xusan waxaana horay loogu tala galay in min 12 musharax ay dooda uga wada qeyb galaan inkasto hal musharax uu ka tanasulay musharaxnimadiisa sidaas ayeyna ku noqoneysa in maanta galinka hore ay 11 musharax dooda ka qeyb galaan galinka dambana ay 12 musharax ka qeyb galaan wadartoodana waa 23 musharax.

Halkaan ka aqriso Jadwalka dooda-furan ee musharixiinta

Related posts

Daawo: Wasiir xoosh jabriil “Dhalinyarada waa tirada ugu badan dadkeena, sidaa darteed waxa inaga go’an in aan….

Tifaftiraha K24

Akhriso: Ra’isul wasaare kheyre oo ka hadlay munaasabadda ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ee maanta ku beegan

Tifaftiraha K24

Akhriso: Musharixiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Soomaliya oo Go’aan Culus ka soo saaray Xasilooni darada Cadaado iyo Xil ka qaadistii Guulled

Tifaftiraha K24