Somali News

Akhriso: Jaamacadda carabta oo war xasaasi ah ka soo saartay marxaladdii dagaal ee madaxweyne farmaajo uu dhawaan ku dhawaaqay

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa si kulul uga hadlay Falalka Amnid daradda ah ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacaayay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ahmed Abul-Gheit Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ay tahay wax laga Argagaxo Qaraxyadii Muqdisho ka dhacayay Maalmihii lasoo dhaafay.

Xoghayaha ayaa Marka Hore tacsi u diray dadkii ay Waxyeelo kasoo gaartay Qaraxii lala eegtay taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ahmed Abul-Gheit ayaa sidoo kale tilmaamay in ay taageersan yihiin dagaalkii uu dhawaan iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa uu xusay in ay ka shaqeyn doonaan sidii looga dhabeyn lahaa dagaalka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo.

Ururka Jaamacadda  Carabta ayaa ugu dambeyntii Sheegay in Howlgalkaasi ay ka qeyb qaadan doonaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ayaa dhawaan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab, waxaana uu sheegay in dalku uu galay Xaalad dagaal.

Related posts

Daawo: Waxbadan ka Ogow waxaa uu ku Saabsanaay Shir Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho??

Tifaftiraha K24

RW CCC Sharmarke " Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ka soo qaxaya waxba uma qaban karno".

admin

War cusub: Maxaadan ogeyn oo kusoo kordhay doontii ay afduubteen kooxaha burcad badeeda xageesa hada lagu hayaa doontaas?

Tifaftiraha K24