Akhriso: Hanti Dhowrka Guud ee Dalka oo sheegay in 18 Milyan ka maqan tahay Qasnada Xukuumada.

0

Warbixinta Hanti-dhowraha ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada  qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayna dib u isticmaashay; Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen US $577,014 dib ayayna u isticmaaleen. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 dib ayayna u isticmaashay. Jaamacada Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay.

Warbixinta deeqaha Caalamiga ah oo ay hesho dowladda Federaalka ah isla markaana ay ugu deeqeen Midowga Yurub, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo UNOPS ay wadarta Deeq bixintooda aheyd $38,259,559 doolar, warbixintu waxaa ay sheegtay in deeqdaas caalamiga ah ay qasnadda dhexe ee Dowladda Federaalka gaartay $19,872,827 doolar.

Lacagta Deeq bixiyaasha caalamka ka heshay dowlada Soomaaliya ayaa warbixinta lagu sheegay in ay ka maqan tahay $18,386,732 doolar, lacagtan maqan ayaana laheyn meel loo raaco iyo waxa ay ku baxday.