AKHRISO:- Gudoomiye Jawaari oo soo bandhigay Hishiiska lagu dhisayo Xarunta Golaha Shacabka

0

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta warbaahinta u soo ban dhigay heshiis cusub oo  kala saxiixdeen dowladda Turkiga kaas oo lagu dhisaayo xarunta KMG ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya ee ay hadda ku shaqeeyaan.

Waxaa uu sheegay in heshiiskaas lagu dhisaayo xarunta ay hadda ku shaqeeyaan uu qaadanayo muddo gaareysa 5 bilood isaga oo xusay in kaddibna la dhisaayo Xarunta Guriga Umadda ee uu Baarlamaanka leeyahay.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Hay’adda TIKA ay dhiseyso golaha shacabka Soomaaliya isaga oo sheegay in marka la dhiso  xarunta weyn ee Guriga Umadda ay halkaas u guuri doonaan golaha shacabka.

Gudoomiye Jawaari ayaa sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay dhismaha xarunta cusub ee Golaha Shacbiga.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Turkiga ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya.