Animation

Akhriso: Guddiga Doorashooyinka Dadban oo Go’aamo Culus ka soo saaray Doorashada Aqalka Hoose ee Jowhar ka socota

no responses
Tuesday November 22, 2016 - 1:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

fieit-header-768x177

Mogadishu, Somalia                                                                 22 Nofeember 2016

War Saxaafadeed

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) waxa uu shaacinayaa in Guddi isku dhaf ah oo ka kooban, Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka iyo Guddiga doorashooyinka ay 20kii bishaan booqdeen magaalada Jowhar, oo ay ka dhaceen rabshado doorashada la xariira 18 kii bishaan Nofember. Waxa ay halkaasi kula kulmeen guddiyadu maamulka Hirshabeelle iyo musharixiinta u tartamaya kuraasta xildhibaanimo oo ay mar labaad u aqriyeen xeerka Anshaxa Doorashooyinka oo ay horey u saxiixeen Musharaxiintu.

Kulamadaas kadib waxa uu Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) go’aamiyay qodobada soo socda:-

  • In dib loo dhigo doorashada kursiga khilaafku ka dhashay ee Beesha Jidle/ Gugundhabe, iyadoo guddi isku dhaf ah oo ka kooban Guddiyada Doorashada heer Federaal, Dowlad Gobol ee doorashayinka, Guddiga Xallinta Khilaafaadka, iyo maamulka Hirshabeelle ay si wadajir ah go’aan ay uga gaari doonaan kursigaasi, baaritaan kadib.
  • In la ogolaaday in maanta oo Talaado ah, 22ka Nofeember dib loo bilaabo doorashada kuraasta kale ee xildhibaanimo ee Jowhar.
  • In Ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom oo keli ah loo ogolyahay inay gudaha u galaan xarunta codeynta, iyadoo ciidamada booliska iyo nabad sugiddu ay saldhigyo baaritaan ka sameysanayaan meel ka fog xarunta doorashada, halkaas oo ilaalada musharixiinta iyo hubkoodaba lagu reebayo. Qodobkan wuxuu si guud u sameynayaa dhamaan deegaan doorashooyinka oo dhan.

Ugu dambeyn, Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) wuxuu musharixiinta xildhibaanimo oo dhan uga digayaa in laga mabnuuci karo tartanka haddii ay falal kicin ah oo rabshada keena ku sameeyaan ciidamada iyaga raacsan xarumaha doorashada.

***DHAMMAAD***