Animation

Akhriso: Guddiga Baaritaanka ku Sameynaayay Dilkii Cadaado loogu geestay Mid kamid ah Ergada oo soo Bandhigay Muuqal iyo Warqad Cadeyn ah

one response
Saturday November 19, 2016 - 9:59 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddi loo xilsaaray in ay baaris ku Sameeyeen Shaqaaqo ka dhacday banaanka hore ee xarunta gudiga doorashada Magaalada Cadaado maalintii Isniinta oo ay taariikhdu ku beegneyd 14.11.2016, ayaa soo saaray natiijada baaristii ay dhacdadaasi ku sameeyeen.

Guddiga Dowlad Gobaleedka Galmudug ay u xilsaartay baarita dhacdadaasi ayaa warka qoraalka ah ee ay soo saareen, islamarkaana nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA, waxaa lagu caddeeyay in ay been abuur yihiin Warar lagu faafiyay Baraha Bulshada iyo qaar kamid ah warbaahinta oo sheegayay in Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Gen Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud uu ku lug lahaa arrintaasi, Wuxuuna Guddigu Hoosta ka Xarriiqay in ay caddeynayaan in goobta ay wax ka dheceen uusan joogin Janaraalka, ilaaladiisa gaarka ahna aysan tagin shaqaadaasi markii ay dhacday kadib.

Guddiga ayaa soo bandhigay Muuqaal laga duubay Maxamuud Ibraahim oo ahaa horjoogihii watay Maleeshiyaadka Wareeray Xarunta Doorashooyinka Ee Magaalada Cadaado.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka ay Guddiga soo Bandhigeen:

Hadaba Halkaan Hoose ka Aqriso Warqada Natiijada Baaritaanka ee Guddiga ay soo saareen.

gud1-2