AKHRISO:- Gabar Soomaali ah oo loo magaacaabey la taliyaha Xoghayaha Qaramadda Midoobay 

0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa Gabadhaba Somali-Canadian-ka ah ee Ilwaad Elman Cali u magacaabay mid ka mid ah lataliyayaashiisa dhinaca howlgallada nabad ilaalinta Caalamka.

Ilwaad ayaa Boggeeda Istagram-ka ku soo qortay magacaabistaas iyada oo sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in ay ka mid noqoto la taliyayaasha António Guturres.

Xilkeedu waxaa uu noqonayaa lataliyaha António Guturres ee maalgelinta howlgallada Nabad ilaalinta ee Waddamada soo kabanaya.

Elwaad oo ka mid ah Gabdhaha u dhaq dhaqaaqa Nabadda iyo xuquuqda aadanaha waxaa ay iyada iyo Hooyadeed maamulaan Hay’adda Elman ee Nabadda iyo xuquuqul insaaka ka shaqeysa.

Waxaa ay ku dhalatay Muqdisho,iyada oo shaqadan kala wareegtay aabbaheed Elman Cali Axmed oo hindisay hay’adda kaddibna geeriyooday.

Waxaa ay Ilwaad ka mid tahay 4 Gabdhood iyo hooyadood oo lagu magacaabo Fartuun Aadan.

Elman Cali Axmed waxaa uu dhaq dhaqaaqiisa nabadda ugu magac daray Qoriga dhig Qalinka qaado.