Animation

Akhriso: Farmaajo , sharmaarke iyo musharixiin culus oo maanta lagu soo gaba gabeyn doono khudbad jeedinta

no responses
Sunday February 5, 2017 - 7:55 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddiga doorashada waxa uu sheegay in maanta ay tahay maalintii ugu dambeysay ee musharixiinta ay jeedin doonan khudbadahooda ay uga hadlayan ajandahooda doorashada.

Ilaa 9 Musharax ayaa maanta khudbadaha jeedinaya waxaana guddiga uu sheegay in musharaxa 9-aad ee maanta lagu soo daray khudbad jeedinta in uu yahay musharax horay ugu cudur daartay in uu yimaado maalintii uu ku qornaay jadwalka khudbad jeedinta sidaasi darteedna maanta loogu soo daray in uu kamid noqdo musharixiinta khudbadaha jeedinaya.

Akhriso Magacyada Musharixiinta hadal jeedinta ka hor sameyn doona xildhibaanada baarlamaanka.

1- Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke

2- Dr. Maxamuud Maxamed Culusow

3- Maxamed Axmed Jabarti

4- Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)

5- Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)

6- Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

7- Maxamed C/risaaq

8- Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil

9- Axmed Maxamed Cabdi