Animation

Akhriso: Farmaajo oo amaro culus kusoo rogay qaar kamid ah wasiirada xukuumadda kheyre xili wasiirada ay…..

no responses
Tuesday June 13, 2017 - 10:36 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu yareynayo safarada badan ee ay sameynayaan xubno katirsan golaha wasiirada dowladda Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan Warar lagu kalsoon yahay, Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa amray in  hoos loo dhigo safarada dibadda ay ku aadaan wasiiro uu kamid yahay  Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Yuusuf Garaad.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu go’aankaasi qaatay kadib markii La-taliyayaashiisa ay u gudbiyeen dhaliilaha dhanka Safarada.

Xogta ayaa sheegeysa in Madaxweynaha oo ka duulaya Safarada badan ee dowladiisa uu hoos u dhac ku sameeyay Safarada Wasiir Garaad iyo dhowr Wasiir oo kale oo uu kamid yahay Wasiirka Amniga.

Madaxweynaha ayaa Wasiirada ku amray inay yareeyan Safarada xad dhaafka ah, waxa uuna taa bedelkeeda usoo jeediyay inay ku mashquulan howlahooda gudaha, iyadoo la raacaayo ballanqaadka ay DF u sameysay shacabka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia ayaa sii wadankara Safaradiisa balse waxaa la faray inuu xakameeyo tirada badan.

Wasiirka Amniga iyo kan Gaashaandhiga  ayaa sidoo kale laga mamnuucay Seddex meelood hal meel Safarada ay ku gaari jireen dalka dibaddiisa, waxaana xusid mudan iney  yahiin Wasiiradda ugu safarka badan dowladda

Talaabadani ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxweynaha dalka uu horay u ballanqaaday inuu yaraan doono Safarada ay gali doonto dowladiisa.