Animation

Akhriso: Falcelinta ay Bulshada Caalamka ka Bixiyeen Go’aanka qalafsan ee Donald Trupm uu qaatay

no responses
Sunday January 29, 2017 - 11:34 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Go’aanka madaxweyne Donald Trump uu ku hakiyay dadka ka safraya todobo dal oo Muslimiinta u badan yihiin ayaa waxaa cambaareeyay ururada xuquuqda aadanaha u dooda ee daafaha caalamka ku nool.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Sikastaba, qaar ka mid ah xisbiyada dhinaca midigta u janjeera ee Yurub ayaa soo dhoweeyay tallaabadaas uu qaaday Trump.

Halkan waxaa ku qoray qaar ka mid ah falcelinta caalamka:

  • Qaramada Midoobeey ayaa ugu baaqday Trump inuu sii wado soo dhoweynta qaxootiga, ayadoo aan la eegeyn jinsiyadooda, dalka ay ka soo jeedaan iyo diintooda.
  • Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Jean-Marc Ayrault ayaa sheegay in go’aanka uu yahay wax laga walaaco. “Waa shaqadeena inaan qaabilno qaxootiga ka soo cararaya dagaallada, dulmiga.”
  • Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Sigmar Gabriel, wuxuu sheegay in Mareykanka iyo Yurub ay isku mid ka yihiin aragtida “reer galbeedka” ee xuriyadda iyo dimuquraadiyadda, oo ay ka mid tahay difaaca xuquuqda dadka ka qaxaya colaadaha iyo in la difaaco dadkaas. “Waxaan u maleynayaa in arrinta na kulmisa ay tahay Galbeedka, waana taasi midda aan u cadeyneyno Mareykanka.”
  • Madaxweynaha Iraan, Xasan Ruuxaani ma uusan soo qaadin Trump magaciisa, laakiin wuxuu sheegay: “Maanta maaha xilliga gidaar lagu kala jaro dalal. waxay ilaabeen in derbigii Berlin uu dumay sanado ka hor,” Ruuxaani ayaa intaa ku daray in “Maanta ay tahay xilligii nabadda si wada jir ah looga shaqeyn lahaa, balse aanan la joogin waqti keli la noqdo oo dalalka kale laga fogaado.” Iraan waxay ka mid tahay dalalka uu Trump saaray 90-ka maalmood ee xanibaadda.
  • Laakiin madax weynaha Czech Republic, Milos Zeman, ayaa amaanay go’aanka Donald Trump. Afhayeenkiisa ayaa sheegay, “Madaxweynaha Mareykanka wuxuu difaacayaa dalkiisa, wuxuu ka walaacsan yahay bad-qabka shacabkiisa. Dabcan waa arrinta ay sameyn la’yihiin hogaamiyayaasha Yurub”
  • Hogaamiyaha diida dadka Muslimiinta ee Natherland, Geert Wilders wuxuu yiri: “Tallaabo wanaagsan ayaa qaaday madaxweyne, waa sida keli ah ee lagu nabad gali karo. Aniga sidaas oo kale baan sameyn lahaa. Waxaan rajeynayaa inaad dalal kale oo Muslimiin ah ku dari doonto sida Sucuudiga,”
Dadka u ololeeya arrimaha bulshada waxay diidan yihiin derbiga iyo hakinta qaxootigaLahaanshaha sawirka AFP
Image captionDadka u ololeeya arrimaha bulshada waxay diidan yihiin derbiga iyo hakinta qaxootiga
  • Hay’adda caalamiga ah IRC waxay go’aanka Trump ku tilmaamtay mid “saameyn degdeg ah yeelanayo”, oo sidoo kale saameynaya kumannaan qof oo aan dhib geysan.
  • Amnesty International Waxay ku tilmaamtay mid “Laga argagoxo oo cawaaqib xumo yeelanaya”
  • Human Rights Watch Waxay sheegtay in amarka uu dhabar jab ku yahay qaxootiga “wyna yartahay in sidaas wax looga qabto argagixisada iyo dhibaatooyiinka kale ee sababa amni xumada”
  • Leonard Doyle, oo ah afhayeenka hay’adda socdaalka caalamiga ah ee IOMwuxuu BBC-da u sheegay in Trump uu xaq u leeyahay inuu bedelo shuruucda soo galootiga ee dalkiisa, balse ay muhiim tahay in qaxootiga iyo Tahriibayaasha weli la difaaco.
  • Jan Egeland oo ka tirsan hay’ada qaxootiga ee Norway NRC wuxuu wakaaladda wararka ee AP u sheegay: “Go’aankan Mareykanka kama dhigidoono meel amni ah, wuxuu Mareykanka ka dhigayaa meel aan jirin oo dulleysan”
  • Ururka Qareenada u dooda soo galootiga Mareykanka wuxuu sheegay: “Luqadda lagu isticmaalay dikreetada waxay u muuqataa in la bartilmaameedsanayo dadka caqiiqadooda Islaamka tahay.”
  • Malala Yousafzai, oo u ololeysa waxbarashada, kuna guuleysatay abaalmarinta nabadda ayaa tallaabadaas ku tilmaamtay “niyad jab weyn” waxayna ka dalbatay inuusan ka fogaan caruurta iyo qoysaska aan caalamka ku haysan cid difaacda.
  • Google waxay hakisay shaqaaleheeda Muslimiinta ah ee dibadda ka soo safri lahaa. Shirkadda waxay BBC-da u sheegtay inay ka walaacsan tahay tallaabada oo Mareykanka ka xanibeysa dad badan oo xirfadlayaal ah.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.