Animation

AKHRISO: FADLIGA AY LEEDAHAY SOONKA MAALINTA 10-AAD EE CASHUURA

no responses
Monday October 10, 2016 - 3:39 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Asalaamu Caleykum Waraxmatullahi Wabarakaatuhu Walalaayaal Waxaan halkaan idinkugu soo Gudbineynaan Mowduuc ku Saabsan Fadliga ay leedahay Soonka Maalinta 10-aad ee Bisha Muxaram oo ah Bisha ugu Horeyso Sanadka Hijriyada islaamka ama Maalinta loo yaqaan Yowmu Caashuura iyo Fadliga ay leedahay.

Fadliga Soonka Maalinta Caashuura :

Bishaan Muxaram waxa ay kamid tahayn Bilaha Afarta ah ee Xurmada leh ee Fadliga Badan uu ku sugnaaday wuxuuna Nabigeena NNKH uu yiri … Soon Waxaa u Fadli Badan Bisha Ramadaan Kadib Bisha Muxaram Waxaana Wariyay Xadiithkaan Imaam Muslim.

Nabigeena NNKH wuxuu yimid Magaalda Madiina Iyadoo Markaasi Yahuudii Daganeyd Magaalada Madiina ay Soomanyihiin Maalinta 10-aad ee Yowmu Caashuura Markaas buu Yiri Nabiga NNKH…Anagaa Yahuuda kaga Xaqnimo Badan Soonka Maalinta Caashuura.

Nabigeena NNKH wuxuu Yiri… Kolkii laga wareystay Fadliga iyo Qiimaha ay leedahay Soonka Maalinta 10-aad ee Bisha Muxaram maalinta loo yaqaan Caashuura wuxuuna Yiri Rasuulkii Alle SCW.. Waxaan Alle ka Rajeynaaya  in uu ku Dhaafo Danbiga Sanadkii Tagay.. Waxaa Wariye Xadiithkaan Imaam Muslim.

Danbiyada Lagu sheegay Xadiithkaan ee Qofka Soomo Maalinta Cashuura Waa Dambiyada Saqaa’irta ah ama Yar yar Balse Dunuubta Kabaa’iarada ah ee Waaweyn Iyaga Waxaa lagu dhaafa in Qofka uu Towbo Nasuuxa ah la Yimaado.

Qaabka Loo Soomaayo Caashuura :

 

Soonka Maalinta Caahsuura Waa Sunno , sidaa Darteed Waxaa u Wanaagsan qofka Muslimka ah ama Gabadha Muslimadda ah ee Sooman in alle ay Ku shukriso Maxaa yeelay Waa Maalintii Alle weyne Caza Wajalla uu Halaagay Qoomkii Fircoon Islamarkaana uu Bad baadiyay Nabi Muuse CS kana Gudbiyay Badda ay ku Halaagsameen Fircoon iyo Qoomkiisa Sharta Badneyd.

Hadaba Walaalayal Waxaa loo baahanyahay Kolka aad Soomeyso in aad soonto Laba Maalin Waayo Nabigeena NNKH wuxuu yiri Yahuuda waxa ay Soonta Maalinta Sagaalad Inaga ayaan uga xaq leh Soonka Maalintaan sidaa Darteed waa in Yahuuda aad khilaaftaan oo Maalinta 10-aad ee Muxaram aad Maalin ka hor marisaan amaba aad Maalin ka daba marisaan si aad u khilaaftaan Yahuuda Sidaa Darteed qofka soomaya waa in uu sooma maalinta Sagaalka Bisha Muxaram ah oo manta ay ku Beegneyd iyo Maalinta 10-ka oo Beri oo Talaado ah Taariikhduna tahay 11-ka Bisha Augst 2016-ka uu soomo qofii Manta aan Soomin waxaa u wanaagsan in Maalinta 10-aadka uu ka daba mariyo maalin kale oo 11-ka Muxaram uu soomi si uu u Khilaafo Yahuuda.

Hadaba Walaalayaal Waxaan Nafteena iyo Nafiina isku Baraarujineynaa in aan ka Faaideysano qeyrka Maalintaan ku jira Ilaaheyna waxaan weydiisaneynaa in Dunuubteena uu ku dhaafo Soonka Maalinta Caashuura .

Darsigaan Muhiimka ah Waxaa diyaariyay Ustaad Ibraahim Calasow Maxamuud

WA BILLAAHI TOWFIIQ