Animation

Akhriso: Dowlada Soomaliya oo soo Bandhigtay Tirada Dhimashada iyo dhaawaca Hotel Dayax Miyey ku jiraan Masuuliyiin iyo Xildhibaano??

no responses
Wednesday January 25, 2017 - 10:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa goordhaw Shaacisay Tirada Rasmiga ah ee waxyeelada ay ka soo gaartay Weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen Hotelka Dayax ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Qaraxyada ay isugu jireen Weerar toos ah iyo sidoo kale Qaraxyo loo adeegsaday Gawaari.

Wasiirka oo saxaafadda kula hadlayay Hotelka Dayax ayaa sheegay in maleeshiyadii weerarka soo qaaday ay gaareysay ilaa iyo afar, kuwaasi oo uu xusay inay toogteen ciidamada amniga, inti ay ku guda jireen howlgalkii Hotelka looga xoreynayay.

Wasiirku wuxuu sheegay in Weerarka iyo qaraxyada ay ku dhinteen 10 qof , Halka ay ku dhaawacmeen Dad ka badan 51 Ruux oo shacab iyo Ciidan isugu jira.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Ciidamada Ammaanka ay ku guuleesteen in ay soo Afjaraan Weerarka iyadoona la toogtay dhamaan kooxdii weerarka ku gashay Hotelka Dayax sida uu sheegay Wasiir C/risaaq.