Somali News

Akhriso:- Dowlada Soomaaliya oo warsaxaafadeed kasoo saartay roobab dabeylo wata

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxay  warsaxaafadeed kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan iyadoona shacabka Soomaliyeed dowlada udirtay fariin ah inay muujiyaan feejignaan xoogan ayna ka fogaadaan goobaha biyo baxada ah.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay Heegan buuxa galisay hay’adaha qaabilsan gurmarmadka iyo ka jawaabista xaaladaha dag dagga ah ee ka dhalan kara roobabka iyo dabeylaha lasaadaalinayo. Gobalka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale u sii diyaargaroobay daadad ka dhasha roobab mahiigaan ah oo la filayo in uu ka da’o magaalada Muqdhisho, waxaana heegan la galiyay Saldhigyada Booliska 17-ka degmo ee Gobalka Banaadir, Gaadiidka Gurmadka dagdagga iyo howlwadeenadooda, waxaana dadweynaha lagu wargaliyay in marka ay xaalad Qatar ah la kulmaan si dhaqsi ah ula xiriiraan Number-ka Gaaban ee 991.

WAR-SAXAAFADEED

MUQDISHO, 03 December 2019, Dowladda Feraalka Soomaaliya, Waxa ay Qeybaha kala duwan ee Bulshada, Hay’adaha Samafalka iyo Dowladaha Saaxiibada ah la wadaageysaa dhibaatooyinka isbeddellada cimillada, gaar ahaan fatahaadaha iyo duufaanno la saadaalinayo in ay ku soo wajahanyihiin Deegaanno kamid ah Soomaaliya.
Maadaama Roobabku weli ka da’ayaan Gobollada dalka, Dowladdu waxay ka digaysaa in fatahaado kale ay weli suurtogal yihiin, inkastoo meelaha qaarkood ay biyuhu hoos u dhaceen biyuhu ama qallaleen.

Dowladda Soomaaliya waxa ay Heegan buuxa galisay hay’adaha qaabilsan gurmarmadka iyo ka jawaabista xaaladaha dag dagga ah ee ka dhalan kara roobabka iyo dabeylaha lasaadaalinayo. Gobalka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale u sii diyaargaroobay daadad ka dhasha roobab mahiigaan ah oo la filayo in uu ka da’o magaalada Muqdhisho, waxaana heegan la galiyay Saldhigyada Booliska 17-ka degmo ee Gobalka Banaadir, Gaadiidka Gurmadka dagdagga iyo howlwadeenadooda, waxaana dadweynaha lagu wargaliyay in marka ay xaalad Qatar ah la kulmaan si dhaqsi ah ula xiriiraan Number-ka Gaaban ee 991.

Sidoo kale, Dowladda Fedaraalka Soomaaliya waxa ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay qiimaynaysay warar naga soo gaaray shabeellada Dhexe oo daadadku ay sii kordheen. In ka badan 25 tuulo oo hoos yimaada Balcad ayaan ogaanay inay daadad ku dhufteen.

Daadadkan waxay ka imanayaan webiga oo biyihiisu sare usii kaceen. Waxaa kale oo dadka dhibaato ku haya maleeshiyaadka Al Shabaab oo si ula kac ah biyaha ugu fatahinaya dadka shacabka ah.
Qaar kamid ah Beeraleyda oo isku dayey inay biyaha ka leexiyaan beerahooda ayaa Al Shabaab dileen. Waxayna kooxda Al Shabaabku biyaha kasii daayeen biyo-baxadii Xawaadleey oo u dhow Degmada Balcad, ujeeddadooduna Waa inay go’doomiyaan shacabka iyo beeraha.

Waxaa ogaanay in inka badan 5,000 qoys ay daadadku saameeyeen agagaarka Balcad iyo tuulooyinka hoos yimaada. Tuulooyinka qaarkood sida Xawaadleey, Farbarako,Deymosame, Kulmisyaroow,Jiilaale iyo Muku Dheere Waxaa dhex ceegaaga biyaha iyadoo ay dad masaakiin ah ku dhibaataysanyihiin.

Waxan ugu baaqaynaa hay’adaha gargaarka iyo dadka Soomaalida ee wax haysta inay gacanta u fidiyaan, culimada iyo ganacsataduna ay is abaabulaan, gargaar deg deg ahan lala gaaro dadka deggan tuulooyinka faraha badan ee Balcad hoos yimaada.

Related posts

XOG CULUS: Caqabad wayn iyo Bahdilaad ka taagan Xafiiska Ra’iisul wasaare Kheyre

Mohamed Abdirashid Abaajo

TOP NEWS: Dhageyso Dadkii ku dhaawacmay weerarkii Ambassador oo ka sheekeynaya Sida ay u dhaawacmeen iyo waxa ay indhahooda ku arkeen

Tifaftiraha K24

Ugand Oo Taliye Cusub u soo Magacowday Ciidankeeda Jooga Soomaaliya

Ahmed sudani