Animation

Akhriso: Doorasho Maanta ka dhici doonta Magaalada Baydhabo Maxayse tahay doorashada xiligaan dhaceysa???

no responses
Wednesday February 1, 2017 - 8:27 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Doorashada Aqalka Hoose ayaa la filaya in Maanta ay ka dhacdo Magaalada Baydhabo kaasi oo lagu dooran doono kursi horay ay usoo laaleen guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

kursigaan lagu dooranaayo baydhabo waxa uu kamid yahay 5 kursi oo horay loogu celiyay maamul goboleed-yada iyadoona k/galbeed kursigii lagu soo celiyay ay maanta dooraneyso.

Horay Kursigaan waxaa ugu soo baxay Sheikh Shaacir Sheekh Maxamed oo ku Guuleeystay Cod Aqlabiyad leh,inkastoo dib loogu laabanayo.

Waa kursigii labaad ee kamid ah 5-ta kursi ee lasoo celiyay oo maanta la dooran doono waxaana shalay Magaalada Garoowe lagu doortay kursi horay loogu soo celiyay Puntland.

Seddexda kursi ee ka dhiman 5-tii kursi ee guddiga ay soo celiyaan waxaa laga sugaya in ay soo doortaan maamulada Jubbaland,Galmuudg iyo Hirshabeele.

Facebook Comments