Kaydka Wararka Xulka ah Maqaalo iyo Warar Somali News

(Akhriso) Dagaal Ku Dhexmaray Gobolka Hiiraan Ciidamada Dowladda, AMISOM Iyo Al-shabaab.

Faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar jidgal ahaa oo xalay lagu qaaday Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo AMISOM xili ay ka baxeen Degmada Jalalaqsi,kuna sii jeeday Gobolka Shabeellahah Dhexe.

Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhexeeysa deegaanada Fiidow iyo buurane oo ka tirsan Shabeellaha dhexe,isla markaana lagula eegtay Kolonyada Ciidamada dowlad ay la socdeen,kuwaasi oo Gaadiid ay leeyihiin AMISOM ka doonay Gobolka Shabeellaha dhexe.

Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo Siyaasada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Miro Xuseen Siyaad oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Ciidamada dowlada xalay tirro saddex jeer ah wadada loo galay,isagoo xusay in wax khasaaro ah uu soo gaarin Ciidamda sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale waxaa la sheegay in weerar kadib Ciidamada dowlada iyo Al-shabaab dagaal socday Muddo uu dhexmaray,waxaana ka dhashay khasaaro,inkastoo aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Related posts

Dhibaato soo wajahday Kallumeystada gobolka Karkaar.

admin

Top News: Galmudug Oo Eedeyn Dusha Uga Tuurtey Puntland (Tolow Maxay Salka Ku Heysaa, Eedeyntaas???)

Tifaftiraha K24

Maxaadan Ogeyn oo Maanta ka dhacay Magaalooyinka Berbere iyo Hargeysa ee Maamulka Soomaliland??

Tifaftiraha K24