War Qoraal Ah Oo ka Soo Baxay Cisbitaal ka Kalkaal Foundation Ayaa lagu sheegay Lagu Fulinayo Qaliimaad Ka Duwan Oo ay bulshadu baahiyo badan u qabtay.
Waxa dhamaan bulshada Somaliyeed la ogeysiinayaa in Kalkaal Hospital Foundation uu fulin doono Ololahii Qaliinka Faruuranka (Cleft Lip) iyo Qaliinka Dhabxanaga Dilaacsan(Cleft Palate) waxaana Taabagalinaya Si lacag La’aana ah Hay’ada Khayriga ah ee KALKAAL HOSPITAL FOUNDATION (KHF)
Fiiro Gaar ah
Qaliinkan waxaa loo samanayaa dadka faruuran yar iyo waynba
Qaliinku waxa kuu bilaaban doonaa 01 /12/2018 ilaa 10/12/2018
Isdiwaangalintu waxay ka socotaa xarunta Kalkaal Speciality Hospital.
Cisbitaalka kalkaal ayaa ka mid ah cisbitaalada ugu waa weyn ee ka howlgala magaalada muqdisho ee casimada soomaaliya.