Animation

Akhriso: Baaq muhiim ah oo loo diray beelaha ku dagaalamaya gobolka shabeellada dhexe

no responses
Thursday July 20, 2017 - 3:31 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyay deegaano ka tirsan gobolka shabeellada dhexe ee maamulka hirshabeelle uu ka socday dagaal beeleed ayaa waxaa soo badanaya baaqyada nabadeed ee loo diraayo beelaha halkaasi ku dagaalamaya.

Xildhibaano iyo mas’uuliyiin dowladda federaalka iyo maamulka hirshabeelle ka tirsan ayaa dhowr mar ku baaqay in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaal beeleedka ka socda deegaano hoostaga dagmada cadalle ee gobolka shabeellada dhexe.

Caasha xasan qaras oon ka mid ah haweenka ka soo jeeda deegaanada hirshabeelle ayaa kamid ah dadka sida weyn u diraya baaqa nabadeed oo ku aadan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaal beeleedka ka socda deegaano hoostaga dagmada cadalle ee gobolka shabeellada dhexe.

Marwo caasha waxa ay sidoo kale ku baaqday in loo midoobo joojinta dhiiga daadanaya iyo beelaha walaalaha ah ee dirirtu ay dhexmareyso waxaana dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada,culimada iyo siyaasiyiinta ka codsatay in ay u istaagaan daminta colaadda deegaanada gobolka shabeellada dhexe ka socda.

Sidoo kale waxa ay baaq u dirtay qurba joogta kasoo jeeda deegaanada lagu dagaalamaya in ay gurmad dhan waliba ah lasoo gaaraan dadka halkaasi ku tabaaleysan oo ay colaadaha ugu sii dareen si looga baaqsado macluul deegaanadaasi ka dilaacda.