Animation

Akhriso: Alshabaab oo digniin aad loola fajacay soo saartay iyo Shacabka muqdisho oo Argagax muujiyay

no responses
Saturday February 4, 2017 - 8:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Sarkaalka Shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) ayaa sheegay inay kordhinayaan weerarada ay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay muddooyinkii dambe in aad loola yaabanaa awooda qaraxyada Shabaab ay ka geystaan Muqdisho, taasi oo uu sheegay inay la yaabanayeen Saraakiisha dowladda iyo Amisom, balse wuxuu cadeeyay inay sii wadayaan qaraxyada awoodooda culus yihiin ee Muqdisho ay ka fulinayaan.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Cali Jabal ayaanan isweydiin qaraxyada ay ka geystaan Shabaab Muqdisho rayidka ku dhamaanaya, balse wuxuu diirada saaray kaliya xubnaha dowladda ku jira iyo ciidamada Amisom ee jooga Somaliya.

“Runtii waxaan dhihi karnaa, cadowga hadba si kastood u naafeyn karto iyo si kastood ula dagaalami karto ayaad u la dagaalamaysaa, hadii maalintii hore ay ahaayeen qaraxyo intaas ka yar maanta waxa ay marayaan wax ay ka naxsan yihiin oo ay la cajabsan yihiin, intaas iyo kuwa kale oo ka sii xoog badan waan rajeynaynaa, cadowgaas dalka jooga anaga waxaa naga go’an inta ay la eegataba inaan ku weerarno oo aan fara maroojino.” Ayuu yiri Cali Jabal.

Qaraxii ugu dambeeyay ee Shabaab ay ka fuliyeen Hotelka Dayax ee Magaalada Muqdisho, wuxuu ahaa mid aad u culus oo bur buriyay dhismooyin kala duwan oo Hotelka ka agdhawaa, taasi oo muujinaysa awooda iyo baaxada qaraxyada Shabaab.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.