Somali News

Akhriso:-Ajendaha Kulanka Maanta Ee Golaha Aqalka Sare

Xikdhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho.

Dhamaan Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay inuu jiro kulan Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1-da Bisha December 2019.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 2aad ee Wax-ka-beddelka Sharciga Iibka & Qandaraasyada Qaranka, waxaana kulankaas uu furmi doonaa 9:00 Subaxnimo.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud, waxaa ogaalaatay 28 Senatar, waxaa diiday 1- Sanater cid ka amuustayna majirin.

Related posts

Warbixin: Hardanka Adag ee ka dhaxeeya Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Soomaliya

Tifaftiraha K24

DHAGEYSO : Warkii habeenimo ee Radio VOS 25-11-2015 by Cumar Laki Man

admin

Daawo: Sayid Axmad Madoobe iyo Gollahiisa Wasiirada Jubbaland oo Maanta isku Raacay Go’aamo Culus Maxaase laga….

Tifaftiraha K24