Somali News

Akhriso: 30 Dal oo Passborka Soomaliya lagu tagi karo Visa la’aan iyadoo Qiimeyn la sameeyay lagu…

Warbixinta u dambaysay ee Awoodaha Baasaboorka Caalamka ee sannadka 2017-ka (Global Passaport Power Rank 2017) ayaa lagu soo bandhigay Shaxda iyo Qiimeynta Baasabooradda ugu sarreeya iyo kuwa ugu hooseeya iyo tirada dalalka lagu tegi karo Baasabooradaasi.

Lixda Baasaboor ee ugu xooggan Caalamka ayaa kala ah Baasabooradda dalalka Finland, Faransiiska, Spain, Norway, Britain iyo Maraykanka oo lagu kala tegi karo 156 Waddan.

Qaaradda Afrika waxaa ugu xooggan Baasabooradda dalalka South Afrika, Seychelles iyo Mauritius, halka ay Baasabooradda Nigeria, Ethiopia iyo Somalia figta hoose kaga jiraan Baasabooradda Afrika ee lagu meel-maro Caalamka.

Sida lagu xusay Qiimeyntii ugu dambeysay ee ay soo ururisay Hay’adda Dhaqaalaha ee Arton Capital waxaa Baasaboorka Seychelles lagu tegi karaa 126 Waddan, waxaana Fiiso la’aan (Visa-free) lagu tegi karaa dalal ay ku jiraan Shiinaha, Faransiiska iyo Britain.

?

Baasaboorka ugu hooseeya Baasabooradda Afrika ayaa ah Baasaboorka Somalia, iyadoo Baasaboorkaasi Fiiso la’aan lagu tegi karo 30-dal.

Siyaasiyiinta Soomaalida iyo Soomaalida Qaxooti ah ayaa inta badan ku safra Baasabooradda dalalka ay Dhalashadda ka qaataan, waxaana xusid mudan in Xildhibaanadda iyo Murashixiinta Madaxtinimadda Somalia 80% wada haystaan Baasabooro Ajnabi oo ay ku dhoofaan, wuxuuna falkaasi qeyb ka yahay Qiimo-xumidda uu Baasaboorkeenna ku leeyahay Caalamka.

Halkan ka akhriso Qiimaha Baasabooradda Afrika iyo dalalka Visa La’aanta lagu tegi karo:

Seychelles                   126

Mauritius                     118

South Africa                  90

Botswana                       69

Lesotho                           66

Malawi                            65

Swaziland                       64

Namibia                         64

Kenya                             64

Gambia                          63

Cape Verde                   63

Tanzania                       62

Congo                             43

Equatorial Guinea       43

Burundi                          42

Nigeria                            41

Djibouti                          40

DRC                                 39

Libya                                37

Eritrea                             36

Sudan                              36

South Sudan                   34

Ethiopia                          34

Somalia                          30

Related posts

DAAWO SAWIRADA- Dibad-bax aad u ballaaran oo ka dhan ah xad-gudubyada Isir-naceybka ah ee Koonfur-Afika oo ka dhacay magaalada Johanesburg

admin

Daawo:- Boqor Burhaan Boqor ” Dagaalka Gaalkacyo HalaJoojiyo”

admin

SAWIRO:Madaxweyne Waare Oo Tababar U Soo Xiray Ciidamo Ka Tirsan Booliiska Hirshabelle.

admin