Somali News

Akhrioso: Ra’isul wasaare kheyre oo markii ugu horeysay war kulul ka soo saaray dagaal beeleed ka socda….

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku baaqay in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Baanyaaley ee gobolka Hiiraan ay si dag-dag ah oo shuruud la,aan ah u joojiyaan dagaalka.

“ Waxaan tacsi u direynaa dhammaan shacabkii ay waxyeeladu ka soo gaartay dagaalada. Waxaa nasiib daro ah in weli qeybo kamid ah dalkeena ay dagaalo sokeeyo ka dhacaan, xili lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan oo dadku u taagan yihiin cibaadada ALLE. ayuu yiri R-Wasaare Kheyre.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in qorshaha Dawladda uu yahay in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada iyo colaadaha, wuxuna baaq u diray maamulka Hirshabelle, Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaalada iyo collaadaha oo ay dawladda kala shaqeeyaan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah.

“Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo dulqaadin karin, waxeyna fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.” Ayuu raaciyey R.W Xasan Kheyre.

—–DHAMMAAD—

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Related posts

WILL SMITH: Donald Trump wuxuu igu kalifayaa inaan madaxweynenimo isu sharraxo

admin

DEG DEG: Dhageyso Muqdisho oo Nabad Sugida Beegsi lagu haayo iyo Sarkaal Nabad Sugid ah oo Goordhaw lagu dilay Xamar Weyne

admin

TOP NEWS: Dowlada Mareykanka oo Muwaadiniinteeda uga digtay In ay u safraan Guud ahaan Dalka Soomaaliya Maxay tahay Sababta?

Tifaftiraha K24