Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

AKHRI: DF oo shaacisay Waqtiga la dhameystiri doono dhismaha Maamulka Hiiraan & Sh/dhaxe..[Calanka & Magaca]

Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa mar kale kawarbixisay halka uu maraayo shirka maamulka loogu sameynaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee ka socda magaalada Jowhar.

Dowladu waxa ay sheegtay in shirka uu iminka maraayo meel wanaagsan isla markaana Ergadu ay yihiin kuwo ku mashquulsan howlahooda shaqo ee caadiga ahaa.

Yaxye Cali Ibraahim oo ah Xog-hayaha joogtada Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa sheegay in dowladu ay aad ula dhacsan tahay sida iminka ay howsha u socto.

Yaxye Cali Ibraahim, waxa uu sheegay in qorshaha dowlada uu yahya in 15-ka Bisha October ee fooda nagu soo heysa la dhameystiri doono dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Yaxye Cali Ibraahim, waxa uu cadeeyay in wali ay jiraan Beelo dhowr ah oo caqabad ku ah dhismaha maamulka hayeeshee shirka uusan u istaagi doonin caqabadahaasi.

Ergada ayuu sheegay in inta badan howlahooda ay soo afmeeren, waxa uuna tilmaamay inay isku afgarteen howlaha horyaal ee maamulka lagu dhisaayo.

Sidoo kale, Yaxye Cali Ibraahim, waxa uu carab dhabay in Ergada ay si rasmi ah u qeybsadeen Xildhibaanimada, waxa uuna cadeeyay in iminka loo xayiran yahay keliya magaca maamulka cusub iyo Calamka uu yeelan doono maamulka.

Related posts

Beelaha Ay Kasoo Jeedaan Dadkii Maraykanka Iyo Puntland Ku Laayeen Mudug

Tifaftiraha K24

(SAWIRRO) R/wasaare Kuxigeenka Soomaaliya oo la Kulmay Ra’iisul Wasaaraha India

Sakariye Sakariye

Wararkii udanbeeyay Garoonka Aadan Cadde,safarkii laga baajiyay Madaxdii hore,Kheyre oo baaqday iyo xogo kale

admin