Animation

AKHRI BAYAAN: Mareykanka oo Weerar Cir & dhul ah ku dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab…

no responses
Wednesday September 28, 2016 - 6:45 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Bayaan kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka ee dowladda Mareykanka ay weerar khasaare geystay ku qaadeen Tuulada Kanjaron ee gobolka Jubbada Hoose.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay dishay saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, kuwaasoo ku dhintay weerar iska caabin oo ka dhacay Tuulada Kanjaron.

Duqeynta oo ay diyaaradaha dagaal ay ka fuliyeen Tuulada Banaankeeda ayaa lagu sheegay in lagu dilay Saddex sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab.

Bayaanka kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in dad la dilay uu ku jiro ku gudoomiye ku xigeenkii hore ee xarakada Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose Bashiir Dheere.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta lagu dilay raggaasi ka tirsan Al-Shabaab ay kala kulmeen iska caabin xoogan islamarkaana uu dhex maray dagaal socday daqiiqo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa gobolka Jubbada Hoose waxaa ka dhacayay duqeynmo ay geysanayeen diyaaradaha dagaalka dowladdaha Kenya iyo sidoo kale Mareykanka.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo looga hadlay warka kasoo baxay dowladda Mareynkanka ee ah in ay dishay saraakiil ka tirsan Shabaab