Somali News

Ajaaniib kamid noqotay dadka ku dhintay Qaraxii Muqdisho iyo khaaaraha oo sii kordhay

Waxaa saakay qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay Isgooska Ex-Coontarool Afgooye gaar ahaan bar ay ciidamada booliika gaadiidka uga qaadaan lacagaha canshuuraha ah.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay in ay buuxeen gaadiid badan iyo mootooyin  , waxaana gaadiidka halkaasi taagnaa u badnaa kuwa dadweynaha oo xiligaasi saarnaayeen dad aad u badan.

Goobjooge ayaa noo sheegay in qaraxan uu ahaa musiibo nolosha u aqoonsaday dad aad u badan, waxa uuna sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ka badan yihiin 50-qof sidoo kale ku bur bureen gaadiid iyo xarumo ganacsi.

Qaraxa ayaa sidoo kale sababay in dab qabsado kaalin shidaal oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay noqotay goob dhiig badan yaalo ayna daadsan yihiin meydad iyo dad dhaawac ah.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dadka qaraxa ku dhintay ay ku jiraan ajaaniib loo maleenayo in ay kasoo jeedaan dalka Turkiga, waxaana dhaawacyada dadkaasi iyo kuwa dhintay la geeyay Isbitaalka Digfeer.

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa la sheegay in sidoo kale ay ku jiraan arday jaamaceed oo saarnaa gaari u gaar ah, waxaana gaarigii ay saarnaayeen ardaydaasi uu noqday mid gubtay oo loo maleenayo in aysan qofna ka bad baadin.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxana xoogan ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo tirada khasaaraga dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay.

Related posts

Purchase Brides

Sakariye Sakariye

SAWIRRO:- Culimadda Gobolka Hiiraan Oo ku Baaqay joojinta Xiisad Ka Taagan Xadka Hiiraan Iyo Galgaduud

Ahmed sudani

TOP NEWS: Daawo Muuqaal” Nuxurka Doodii Maanta Xildhibaanada ay ka yeesheen Mooshin laga gudbiyay Xil ka qaadistii Madaxweynaha uu ku sameeyay Ilka Xanaf

admin