Animation

Ahlusunna iyo Wariyaasha Gobolada Dhexe oo Heshiis kala Saxiixanaya

no responses
Wednesday September 2, 2015 - 8:11 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca ay Gacanta ku hayso ayaa sheegaya in maanta Magaalada Dhuusamareeb ay Heshiis ku kala Saxiixanayaan Maamulka Ahlusunna iyo Wariyaasha ka Howlgala Magaalooyinka Guricel iyo Dhuusamareeb.

Heshiiska ayaa waxaa Garwadeen ka ah Guddi Odayaal ah,Masuuliyiin ka tirsan Ahlusunna iyo Tiro Wariyaal ah oo Saxaafadu ay iska soo Xushay.

Waxaa la sheegay in ay jiraan Qodobo lagu heshiiyay oo ah in Ahlusunna ay Fasaxdo Idaacadaha u Xiran,in Magdhaw la siiyo Saxaafiyiin Ahlusunna ay dhibaateysay iyo Qodobo kale.

Heshiiska oo ah mid ku aadan qaabkii ay u wada Shaqeyn lahaayeen Wariyaasha iyo Ahlusunna ayaa maanta ka dhacaysa Magaalada Dhuusamareeb.

Facebook Comments