Agaasime ku xigeenkii hore ee FBI-da oo soo bandhigay sir uu kahayo Madaxweyne Trump

0

Agaasime ku xigeenkii hore ee laanta dembi barista FBI-da Mareykanka, Andrew McCabe ayaa soo bandhigay warqad sir ah oo ku saabsan wadahadal dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Donald Trump, taaso ku saabsan faragelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii ka dhacday Mareykanka sannadkii 2016-ka.

Warbaahinta Mareykanka ayaa kusoo warantay in warqadani sirta ah ay sii xoojin karto wararka sheegaya in madaxweyne Trump uu baal maray sharciga.

Mr McCabe ayaa shaqada FBI-da laga eryay maalintii jimcaha, waxaana madaxweyne Donald Trump uu ku eedeyay ninkani inuu dhinac u janjeero.

Baaritaanada ku aadan faragelinta Ruushka ayaa waxaa hogaaminaya Robert Mueller oo horay uga tirsanaa FBI-da, waxaana ilaa iyo imika uu xusay 19 qof oo la rumeesanyahay inay ku lug leeyihiin eedeymaha ka dhanka ah Ruushka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, Jeff Sessions oo shaqada ka eryay Mr Andrew ayaa waxaa uu sheegay in kadib markii la soo gabagabeeyay baaritaan qotto dheer lagu ogaaday in McCabe uu warbaahinta u gudbiyay waxyaabo aan loo amrin oo aan waxba ka jirin.

Madaxweyne Trump ayaa horay u dhaleceeyay ficilada Mr Comey, waxaan uu sidoo kale soo dhaweeyay tallaabada uu xeer ilaaliyaha Mareykanka uu shaqada kaga eryay ninkaani.