Agaasimaha Xiriirka Warbaahinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaraha oo loo magacaabay Yacquub Maxamed Cabdalla

0

Ayadoo laga duulayo dar dar gelinta iyo sara u qaadida tayada xafiiska warfaafinta Ra,iisul wasaaraha Soomaaliya waxaa la magacaabay Yacquub Maxamed Cabdalla oo noqonaya Agaasimaha Xiriirada iyo Warbaahinta Xafiiska Ra,iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Yacquub oo aqoon durugsan u leh Warbaahinta kana soo shaqeeyey Xarumo Warbaahineed oo kala duwan waxna ku bartay dalka gudihiisa iyo dabadiisa waxa uu soo noqday Ku/xigeenka Duqa Degmada Galkacyo.

Xafiiska Ra,iisul wasaaraha Soomaaliya waxa uu u rajaynaya inu ku guulayasto shaqada loo igmadey noqdana mid xariir dhaw la yeesha Warbaahinta Soomaaliya iyo tan Caalam ka.

Warqadad magacaabista ayaa waxaa ku saxiixan mudane Maxamed Keynaan Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Raiisul Wasaaraha Soomaaliya