Agaasimaha Hey’adda socdaalka oo sheegay in dalka ay joogaan ajaanib badan oo sharci darro ku joogta wadanka

0

Taliyaha hogaanka laanta socdaalka iyo jinsiyada ee dowladda soomaliya Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa sheegay in dalka ay ku sugan yihiin ajnib farabadan oo dambiyo kasoo gelay wadamadooda islaamarkaana caalmaka laga baadi goobayo.

Mr koofi ayaa shaaca ka qaaday inay wadaan diiwaan gelinta ajaaniibta soomaliya gudaheeda sharci darada kusoo gashay.

“Waxaa jira ajaaniib dalka si sharci darro ku soo galay, oo badankood dambiyo ka soo galay dalalkooda”ayuu yiri Taliyaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Waxaa uu sheegay inay jiraan dadka dalka degan oo qaarkood ilmo ku dhalay, waxaana uu xusay inay wadaan habab lagu diiwaan geliyo dadkaas, isla markaana dadka dambiyada soo galay ee adduunka laga raadinayo loo gacan geliyo hey’adaha ammaanka.